LONDON —
Baarlamanka Britain ayaa xalay ka dooday mooshin uu soo gudbiyay xildhibaan Gavin Williams oo horey u ahaa wasiirkii gaashaandhiga ee dalkaas, kana mid ah xildhibaannada u ololeeya in Britain ay aqoonsato Somaliland.
Mudanaha soo gudbiyay codsiga dooddan ayaa sanadkii 2019-kii booqday magaaladda Hargaysa, xiligaas oo uu ahaa wasiirka gaashaandhiga, waxaana uu la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.
Haddaba markii dooddaasi lasoo gaba-gabeeyay ayuu Ridwaan Xaaji Cabdiwali la xiriiray Danjire Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Wasiir ku-xigeenkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland oo hadda ku sugan magaalada Bristol, ugu horreyna waxaa uu ka hadlayaa aragtidiisa dooddii baarlamanka.
Facebook Forum