ADDIS ABABA —
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, sida ay sheegeen saraakiisha Somaliland.
Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa oo uu maanta booqasho ku tagay madaxweynaha Somaliland.
Haddaba waxaa noo suurtogashay inaan safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka waraysano Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Ciise Kayd Maxamuud.
Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa ugu horrayn weydiiyey ujeeddada safarka?