Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho


Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Mqdishu ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay maqaayad ku taalla kasoo horjeedka Warshadii hore ee nacnaca oo ku taal dhinaca koonfureed ee degmada Wadajir ee Muqdisho.

Wararka ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegaya in qaraxan uu gaystay qof ismiidaamiye ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen, 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Nawaaxiga uu qaraxan ka dhacay ayaa lagu soo warramayaa in hadda ka hor uu ka dhacay weerar ka mid ah kan maanta dhacay.

Ururka Al-Shabaab ayaa markiiba sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG