BELEDWEYNE —
Sarakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta booqday magaalada Beledweyne halkaasi oo ay kula kulmeen mid ka mid ah saraakiisha kasoo horjeeday mamaulka HirShabelle.
Kulanka ayaa la sheegay in is-faham looga gaaray xiisadda u dhaxeysay maamulka gobolka Hiiraan iyo Jeneraal Abuukar Xuud oo dhowr jeer ay dagaallo dhex-mareen.
Warbixintan waxaa inoo soo diray weriyaha VOA ee Xuseen Xasan Dhaqane.