Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo billaabay dedejinta doorashada


Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada
Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada

Maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa billaabay dedejinta doorashada Golaha Shacabka ayaga oo shaaciyey kuraas badan oo ay doorashadoodu qaban doonaan dhowaan.

Mamaulka Puntland oo ugu dambeeyey ayaa maanta ku dhowaaqay qabashada doorashada 10 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka 10-ka maalmood ee soo socda.

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa sheegay in shan ka mid ah kuraasta doorashadooda la qaban doono 22-ka Janaayo 2022, halka shan kale la qaban doono 25-ka Janaayo. Waa kuraastii ugu horreysay ee Golaha Shacabka ee baarlamanka 11-aad oo doorashadooda lagu qabanayo Puntland.

Sidoo kale, guddiga doorashada Maamulka HirShabeelle ayaa soo saraay liiska 11 kursi oo doorashadoodu ay ku qaban doonaan magaalada Jowhar. 11-ka kursi ayaa ka mid ah 13 kursi oo la qorsheeyey in doorashadoodu ay ka dhacdo Jowhar.

HirShabeelle weli ma shaacin jadwalka doorashada kuraastan.

Maalin kahor ayey aheyd markii guddiga doorashada maamulka Galmudug uu isna soo saaray liiska 21 kursi oo doorashadoodu la qabanayo dhowaan.

Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa shirkii ay Muqdisho kusoo geba-gebeeyeen 9-kii Janaayo waxay isku raaceen in doorashada Golaha Shacabka lasoo geba-gebeeyo kahor 25-ka bisha Febraayo 2022.

Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay in haddii aan doorashada Golaha Shacabka lagu dhameyn waqtigaas ay xayiraado la beegsan karto kuwa carqaladda ku ah socoshada doorashada.

XS
SM
MD
LG