Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa lagu dhaawacay qarax ismiidamain ah oo maanta ka dhacay jidka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Macalimuu ayaa loola cararay mid ka mid ah cisbitaallada magaalada, waxaana dadka ka ag dhow ay u sheegeen VOA in xaaladdiisu ay deggan tahay.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in Macalimuu lagu dhaawacay weerar ismiidaamin ah, waxaana xafiisku cambaareeyey werarkaas.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u rajeeyey Macalimuu inuu degdeg uga soo kabsado dhaawaca soo gaaray.
Maxamed Ibrahaim Macalimuu oo horey u ahaa saxafi, islamarkaaana hoggaamin jiray mid ka mid ah ururrada u dooda saxaafadda ayaa dhowr jeer ka badbaaday weerarro ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan lala beegsaday Macalimuu, sida ay tebiyeen warbaahinta ku hadasha afka ururkaas.
Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.