Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muuse Geelle oo loo Doortay Gud Guddiga Doorashada Heer Federaal


Muuse Geelle Yuusuf
Muuse Geelle Yuusuf

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa maanta doortay guddoon cusub ka dib markii ay dhowaan xilkii ka xayuubiyeen guddoomiyihii guddigaasi, Maxamed Xassan Cirro.

Cabdiraxiin Cabdicasiis Aaden iyo Muuse Geelle Yuusuf oo labadaba ka tirsanaa Guddiga ayaa ku tartamay kursiga, waxaana 14 cod ku guuleystay Muuse Geelle Yuusuf. Cabdiraxiin Cabdicasiis ayaa helay 11 cod.

Doorashadan oo ka dhacday Afisyooni ayaa waxay imaaneysaa iyadoo Maxamed Xasan Cirro, oo ahaa guddoomiyihii hore ee guddiga ay dhawaan xilka qaadis ku sameeyeen xubnaha guddiga doorashooyinka dalka.

Maxamed Xasan Ciro ayaa horay loogu eedeyay shaqa gudasho la’aan iyo ku milanka siyaasadaha isdiidan ee dalka ka jira, taas oo sababtay in xilka laga qaado. Inkastoo Cirro uu marar badan beeniyay eedahaasi.

Wariyaha VOA, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warkan ka soo diray Muqdisho.

Muuse Geelle oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga FEIT
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:05 0:00


XS
SM
MD
LG