WASHINGTON —
Dowladda Maraykanka oo ka walaacsan xaaladda Soomaaliya ayaa baaqyadii is daba jooga ahaa ee ku aaddanaa arrimaha doorashada haatan ku badeshay hanjabaad ka dhan ah dhammaan madaxda Somalida ee saamaynta tooska ah ku leh doorashada.
Haddaba, Hadalkan dowladda Mareykanka ay xalay soo saartay muxuu uga diganyahay dhinacyada ku lugta leh hir-gelinta doorashooyinka in mar kale aysan isku dayin in la abuuro jahwareer siyaasadeed oo carqaladeyn kara heshiiskii siyaasadeed ee dhowaan lagu gaaray Muqdisho.
Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa warbixin amuurtaasi ku saabsan inoo soo diray.