Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran


Waxaana goor dhaweyd lasoo gabagabeeyay shirkii Golaha Wadatashig Qaran oo maalmihii la so dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeybgalayeen madaxda maamul goboleedyada, guddoomiyaha Goblka Benaadir iyo Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Gabagabadii shirkan ayaa laga soo saaray bayaan ka koobnaa 18 qodob, kuwaas oo la xiriiray amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaan iyo jaangoynta xilliga lasoo gabagabaynayo.

Waxaa madaxdu isku raaceen in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gabangabeeyo 'mudada u dhexeysa 15-ka Janaayo ilaa 25-ka Febraayo.'

Bayaanka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu yiri qodobkiisa kobaad "Kahor inta aan la qaban doorashada kursi kasta ee Golaha Shacabka, waa in la caddeeyo, la diiwaangeliyo, lana shaaciyo magacyada xubnaha guddiga soo xulista ergada ee ka kooban duubabka, iyo caaqillada rasmiga ah iyo bulshada rasmiga ah ee beelaha ama jufooyinka kursiga wadaaga"

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sidoo kale isku raacay in aan doorashada laga hor istaagi karin musharraxiinta buuxisa shuruudaha doorashada.

Arrinta amniga doorashada oo maalmihii la soo dhaafay ay dooddeedu taagneyd ayaa madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka waxay war-murtiyeedkooda ku yiraahdeen "Ciidamadu waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda, kuna ekaadaan waajibaadkood ilaalinta Amniga dalka iyo dadka, una hoggaansamaan dhammaan shuruucda iyo xeerka dalka.'

Bayaankan ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada AMISOM inay 'xoojiyaan' amniga Madaxtooyada.

Golaha ayaa sidoo kale war-murtiyeedkood ku sheegay in guddiga doorashada uu u madaxbannaan yahay hirgalinta doorashada, si waafaqsan heshiiyadii 17-kii September 2020, 1-dii Oktober 2020, 27-kii May 2021, 22 Ogosoto 2021, iyo heshiiska war-murtiyeedka maanta.

Haddaba faahfahainta war-murtiyiidka kasoo baxay gunaanadka shirka waxaa warbixintan inooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:16 0:00


XS
SM
MD
LG