Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Ciidamada Xoogga dalka uga digay inay 'ku milmaan siyaasadda', isaga oo sidoo kale ugu hanjabay in laga qaadi doono tallaab ciddii ay ku caddaato, sida uu ku sheegay qoraal uu so dhigay bartiisa Twitter-ka.
"Iyadoo la dhowrayo Shuruucda Dalka, waxaan mar labaad Ciidamada Xooga Dalka (CXD) farayaa iney ku ekaadaan waajibaadkooda qaran ayna ka fogaadaan iney ku milmaan siyaasadda, ama loo adeegsado siyaasadda. Cidii ku cadaato waxaa laga qaadi doonaa talaabo waadaqasan shuruucda dalka" ayuu Cabdulqaadir Maxamed Nuur ku qoray bartiisa Twitter-ka.
Wasiirku faahfaafin intaas dheer kama bixin arrintan, waxaana digniintan ay ku soo aadeysa xilli ay socoto doodda ku saabsan cidda masuulka ka noqoneysa amniga dalka, taas oo ka dhalatay khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isul Wasaare Rooble.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Arbacadii armaray in shan ka tirsan saraakiisha ciidamada militariga ee guutada 77-aad ay horyimaadaan guddiga uu dhawaan magacaabay Ra'isul Wasaare Rooble, kuwaas oo baaraya dhacdadii 27-kii December, taas oo Rooble ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo 'isku day afgambi.'
Fariin qoraal rasmi ah oo wasiirku u diray taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa lagu amray inay saraakiisha Guutada 77-aad ay horyimaadaan guddigan Sabtidii shalay aheyd.
Saraakiishan ayaa kala ah; Gaashaanle Sare Xasan Adan Dhicis, Taliyaha Guutada 77-aad, Gaashaanle Shaafici Nuur Axmed, ammaanduulaha guutada 77-aad, Gaashaale Dhexe Cabdi Yaasiin Cali Kooshin, taliyaha Ururka 60-aad ee guutada 77-aad, Gaashaanle Xasan Duwane Cumar, taliyaha ururoa 60-aad, iyo laba xiddigle Muuse Maxamed Caddow Shaarib.