JOWHAR —
Beeraleyda magaalada Jowhar ayaa hadda ku jira tacabka xilliga deyrta, halka kuwo kalana ay wali sugayaan inta ay ka gurayaan biyihi fatahaadda webiga Shabelle oo wali dhex-ceegaaga dhul-beereed ballaran.
Beeraleydaas oo ku jira diyaargarowga xilliga cusub ayaa dhawaan waxaa loo qeybiyay abuur isugu jira galleey, digir iyo khudaar.
Warbixintan waxaa Baladweyne kasoo diray Xuseen Xasan Dhaqane.