Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa ciidamada amniga Boosaaso waxa ay xereda Minisaariyo ee bariga magaaladda Boosaaso ka soo qabteen hub isugu jiray qoryaha lagu dagaallamo iyo rasaas tiro badan.
Wariyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa arrintaasi waxa ay waraysi kala yeelatay Taliyaha Booliiska Puntland Qaybta Gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir, waxayna ugu horreyn weydiisay hubka ay soo qabteen iyo noocyadiisa.