Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo: Lama Bixin Karo Lacagtii Lagala Wareegtay Imaaraatka


Farmaajo
Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku amray Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya in aan qasnadda dowladda laga saari karin lacag ay hay’adaha amnigu sanadkii 2018-kii ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Farmaajo ayaa sheegay in lacagtani ay “dalka ku soo gashay hab aan waafaqsaneyn hannaanka maalaiyadeed ee dalka, iyo shuruucda caalamiga ah ee isku gudbinta lacagaha, taasi oo taabaneysa amniga qaranka iyo xasilloonida dhaqaale ee dalka,” sida uu ku xusan qoraalka ay Madaxtooyadu soo saartay.

“Waxaan mamnuuc ah in go’aan uu hal mas’uul gaaray lagu bixiyo lacagtaasi iyadoo aan la marsiin hannaan waafaqsan shuruucda dalka,” ayuu intaasi raaciyay.

Qoraalka Madaxweyne Farmaajo ayaa soo baxay ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Jimcihii dowladda Imaaraadka Carabta ka raali galiyay dhacdadii ay ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya kula wareegeen lacag ka timid Imaaraadka oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde.

RW Rooble ayaa dowladda Imaaraadka u ballanqaaday in lacagtaasi oo wali ku jirta gacanta dowladda Soomaaliya dib loogu celin doono.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishi April 2018-dii waxay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ku qabatay lacag ku dhaweyd 10 malyuun oo Dollar oo ay sidday diyaarad ka timid Imaaraadka Carabta, lacagtaasi oo safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ay ku sheegtay in loogu talagalay mushaharka ciidamadii Soomaaliya ee uu Imaaraatku tababarayey.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaas lacagtaasi uga shakisay in loo waday dhinacyada dowladda ka soo horjeeda.

XS
SM
MD
LG