Isku xirrada

War Deg-Deg ah

RW Rooble oo raalli-galin ka bixiyey lacag ay dalwadda Somalia kala wareegtay Imaaraadka 2018kii


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dowladda Imaaraadka Carabta ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya kula wareegtay lacag ka timid Imaaraadka oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde.

RW Rooble ayaa dowladda Imaaraadka u ballanqaaday in lacagtaasi oo wali ku jirta gacanta dowladda Soomaaliya dib loogu celin doono.

Hadalkan ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska RW Rooble, kaddib markii uu maanta RW Rooble uu safiirka Imaaraadka Carabta ka guddoomay deeq gargaar ah oo dowladda Imaaraadku ay ugu talagashay caawinta abaaraha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishi April 2018-dii waxay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ku qabatay lacag ku dhaweyd 10 malyuun oo Dollar oo ay sidday diyaarad ka timid Imaaraadka Carabta, lacagtaasi oo safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ay ku sheegtay in loogu talagalay mushaharka ciidamadii Soomaaliya ee uu Imaaraatku tababarayey.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaas lacagtaasi uga shakiday in loo waday dhinacyada dowladda ka soo horjeeda.

Dhageyso raalli-galinta RW Rooble
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:55 0:00


XS
SM
MD
LG