Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakiisha militariga oo lagu amray inay horyimaadaan guddiga baaraya 'afgambigii' 27-kii December


Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqadir Maxamed Nur

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa armary in shan ka tirsan saraakiisha ciidamada militariga ee guutada 77-aad ay horyimaadaan guddiga uu dhawaan magacaabay Ra'isul Wasaare Rooble, kuwaas oo baaraya dhacdadii 27-kii December.

Fariin qoraal rasmi ah oo wasiirku u diray taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa lagu amray inay saraakiisha Guutada 77-aad ay horyimaadaan guddigan maalinta sabtida ah.

Dhacdadan ayaa lagu sheegay "hor istaag lagu sameeyay" shaqada xafiiska Ra'isul Wasaaraha iyo xarunta xukuumadda, waxaana Ra'isul Wasaare Rooble ku tilmaamay inay aheyd 'afgami'.

Saraakiishan ayaa kala ah; Gaashaanle Sare Xasan Adan Dhicis, Taliyaha Guutada 77-aad, Gaashaanle Shaafici Nuur Axmed, ammaanduulaha guutada 77-aad, Gaashaale Dhexe Cabdi Yaasiin Cali Kooshin, taliyaha Ururka 60-aad ee guutada 77-aad, Gaashaanle Xasan Duwane Cumar, taliyaha ururoa 60-aad, iyo laba xiddigle Muuse Maxamed Caddow Shaarib.

Guddiga baarista dhacdadii 27-kii December ayaa hore u wareystay lix sarkaal oo kale.

Subpoena
Subpoena

XS
SM
MD
LG