Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo ka dhacay Dhuusamareeb


Qof rayid ah ayaa ku dhintay, saddex ka tirsan ciidamada Gorgor waa ku dhaawacmeen kadib markii dagaalka u dhaxeya ciidamada Booliska iyo kuwa Gorgor uu ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, sida ay VOA u xaqiijiyeen dad goobjoogeyaal ahaa.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa soo kala dhaxgalay dhinacyada dagaallamy, waxaana deggan xaaladda Dhuusamareeb saacadihii ugu dambeeyay.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa VOA u shegay in is-fahan Ciidmada soo kala dhaxgalay uu sababay Isku dhaca hubeysan.

Dagaalka u dhaxeya ciidamada Booliska iyo kuwa Gorgor ayaa yimid kadib howlgal ciidamada booliska ay ka wadeen magaalada Dhuusamareeb, kaas oo looga gol lahaa la dagallanka mandoriyaha.

Ciidamada Gorgor ayaa sida ay wararku shegayaan kahor yimid howlgalka ciidamada booliska ay wadeen, sidaasna uu ku biloowday iskudhaca labada ciidan.

Sida uu ku soo warramayo wariyaha VOA-da, Cabdiwaaxid Macallin Isaaq, waxaa xirmay goobaha ganacsiga, iyada oo sidoo kalena uu hakad ku yimid isu socodka dadka iyo gadiidka intii ay socotay xiisadda gacan ka hadalka aheyd.

XS
SM
MD
LG