WASHINGTON —
Waxaan wali xal laga gaarin khilaafka siyaasadeed ee ka dhax-taagan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo aqoonyahannadu ay ka digayaan in khilaafkan uu dib u dhac kale ku keeni karo dhameystirka doorashada haddii aan la xallin.
Haddaba, muxuu salka ku hayaa khilaafkan sideese looga bixi karaa, su’aalahaasi iyo kuwo kale ayuu wariyaha VOA-da Nur Xasan Nur weydiiyay, Professor Cabdi Ismacil Samatar oo bare ka ah jaamacadda Minesota ee dalkan Mareykanka, kana mid ah aqoonyahanka ka faallooda arrimaha Soomaaliya iyo Africa.
Facebook Forum