Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahin ku saabsan khasaaraha dagaal beeleed ka dhacay gobolka Sool


Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal beeleed shalay ka dhacay tuulada Saax-meygaag ee gobolkaas ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya maleeshiyo beelood ka soo kala jeeda gobollada Sool iyo Nugaal.

Qaar ka mid ah dhaawacyada ayaa waxaa shalay la geeyay xarun caafimaad oo ku taalla degmada Boocaame ee gobolka Sool.

Wariyaha VOA-da ee Laascaanood, Cabdikarim Olol oo tagay Boocaame ayaa xaaladda dhaawacyada ka wareystay Amina Cabdi Xuseen oo ah madaxa Xarunta Caafimaadka Degamada Boocame.

Faahfaahin ku saabsan khasaaraha dagaal beeleed ka dhacay gobolka Sool
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:06 0:00


XS
SM
MD
LG