Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble oo magacaabay guddi baaraya 'afgambi' uu ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo


Soomaaliya waxaa weli aan xal loo helin khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya madaxweynaha uu wakhtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, khilaafkaan ayaa salka ku haya arrimaha dioorashada.

Ra'iisul wasaare Rooble ayaa xalay magacaabay guddi wasiirro ah oo shan xubnood ka kooban, kuwaas oo baaritaan ku sameynayo dhacdadii 27-December

Waxaa la sheegay in askar ka tirsan madaxtooyada ay ka hor-joogsadeen shaqadii xukuumadda, gaar ahaan xafiiska Ra'iisul wasaaraha, waxaana falkaas ay Golaha wasiirrada ku tilmaameen isku day "Afgembi".

Haddaba, Guddiga uu Ra'iisul wasaaruhu magacaabay maxaa laga filan karaa? Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa Muqdisho kasoo diray weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow.

Rooble oo magacaabay guddi baaraya 'afgambigii' uu ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:50 0:00


XS
SM
MD
LG