Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirka Amniga oo NISA ku amray in amniga garoonka diyaaradaha ay ku wereejiso ciidanka Booliska


Wasiirka Amiga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa amray in guud ahaan ciidanka hay'adda Sirodoonka iyo Nabaddsuggidda ee NISA laga saaro garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde, isla markaana si buuxda loogu wareejiyo amniga garoonka ciidanka Booliska, sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray maanta.

"Waxaa la go'aamiyay, lana farayaa in guud ahaan amniga garoonka uu la wareego ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana lagula xisaabtamayaa saldhigga garoonka ee ciidmada Booliska Soomaaliyeed oo kaliya masuuliyadda amni ee garoonka wixii ka dambeeya 2-da Janaayo 2022" ayuu Wasiirku ku yiri bayaankiisa, isaga oo intaas sii raaciyay;

"Waxaa la faraya ku simaha hay'adda NISA inuu ku wareejiyo dhammaan masuuliyadda amni ee ay hore gacanta ugu hayeen ciidamada NISA si buuxda ciidanka Booliska, dibna ula soo laabto dhammaan taliska iyo ciidanka ka howlgala gudaha garoonka, mana jiro wax ciidan NISA ah oo ka howlgalaya ama hub la gali kara gudaha garoonka marka laga reebo ciidamada ku sugan xarunta rasmiga ah ee ay ku leeyihiin ciidanka Waran iyo Gaashaan ee gudaha Garoonka"

Wasiirka amniga ayaa sheegay in cabashooyin badan ay NISA ka soo gudbiyeen hay'adaha kale ee dowladda ee ka howlgala garoonka diyaaraha, isla markaana ay kula kaceen "handadaad iyo gacan qaad joogta ah", kuwaas oo uu ku sheegay inay u hayaan caddeymo.

Bayaanka wasiirka.

XS
SM
MD
LG