Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maleeshiyada Al-shabaab oo laga saaray degmada Balcad


Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee gobolka Shabelelada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dawladda ay ka saareen magaalada maleeshiyada ururka Al-Shabaab oo halkaasi soo galay saacadihii hore ee saaka.

Xogta ay idaacadda VOA ka heshay dadka degaanka ayaa sheegaysa in dagaal uu ka dhacay bartamaha magaalada gaar ahaan agagaarka xarunta degmada iyo bar kontorool.

Ciidamada dawladda ayaa dadka degaanku noo sheegeen inay weerar rogaal celis ah oo ay qaadeen ay magaalada kaga saareen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ugu yaraan 4 ka trsan ciidamada dawladda ayaa ku dhintay weerarkaas sida ay idaacadda VOA u sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale tebisay in weerarkaas lagu dilay 9 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG