MOGADISHU —
Waxaa weli taagan khilaafka xooggan ee soo noolaadaay ee u dhexeeya madaxda ugu sarreysa ee dalka, madaxweyne Farmaajo iyo RW Maxamed Xuseen Rooble oo ku saabsan doorashada, waxaana wararku sheegayaan in bannaanbax hal ku dhiggiisu ahaa – “Doorasho HAA, afgambi MAYA” ka dhacay Muqdisho.
Dadkaasi waxaa kala eryay cidamada amniga sida ay goobjoogayaal sheegeen.
Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay inay soo gaartay cabasho ku saabsan in ciidamada boolisku ay waxyeelleen mas’uuliyiin iyo shacab bannaanbaxayey.
Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo dirtay Seynab Abuukar.