NAIROBI —
Waxaa mar kale cirka isku shareerey khilaafaadka siyaasadeed ee ku salaysan doorashada, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku eedeeyey Ra’iisul Wasaaraha inuu ku guuldarraystay hoggaamintii doorashada iyo musuqmaasuq, kadibna uu sheegay inuu shaqadii ka joojiye.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa arrintaas ku tilmaamay af-dambi dastuuri ah, waxaana uu sheegay in golaha fulintu ay mas’uul ka yihiin hoggaaminta waddanka.
Haddaba waxaan idiin soo gudbinaynaa aragtida qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi iyo khilaafaadkan cusub.
Waxaa wareystay wariyaha VOA ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.
Facebook Forum