Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Musharraxiinta: Farmaajo si degdeg ah ha u banneeyo Villa Soomaaliya


Golaha Midowga Musharrixiinta ayaa cambaareeyey waxa ay ku tilaameen “isku dayga afgambi” ee uu shalay oo 27-ka December ay sheegeen inuu ku kacay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War qoraal ah oo ay soo saareen ayaa goluhu waxa uu ku sheegay inay u arkaan “af-dambigaas dhicisoobay” inuu ahaa “khayaano qaran” oo lagu duminayo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka, laguna carqaladaynayo doorashooyinka.

Golaha Midowga Musharrixiinta ayaa ku baaqay baaritaan degdeg ah oo lagu sameeyo, iyo in dacwad lagu soo oogo Madaxewyne Farmaajo.

Midowga Musharrxiinta ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu “degdeg u banneeyo” Villa Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin hadalka Midowga Musharrixiinta.

XS
SM
MD
LG