Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada kuraasta Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Jubaland


Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ilaa haatan la doortay saddex kursi, halka doorashada kuwa kalena la filayo in maanta lasoo gabagabeeyo.

Jubaland ayaa noqonaysa maamul goboleedkii saddexaad ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo horey ay uga bilaabatay Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Xamse Cabdi Barre, Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa ilaa hadda ku soo baxay doorashadii maanta.

Wixii ku soo kordha halkan ayaad kala socon doontaan.

XS
SM
MD
LG