Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirka Amniga oo NISA ka dalbaday warbixin ku saabsan xaaladda Mukhtaar Rooboow


Mukhtar Robow

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nur ayaa ka dlabaday ku simaha taliyaha hay’adda Nabadsugidda Yaasiin Farey inuu warbixin buuxda ka keeno xaaladda xarigga Muhtaar Roobow Abu Mansuur muddo 48 saac gudahood ah.

Wasiirka ayaa qoraal uu u diray madaxa ku meelgaraka ah ee Nabadsugida ku sheegay inay lasoo xiriireen ehelada iyo wakiillada degaan ee metela Roobow ayna ka walaacsan yihiin xaaladdiisa caafimaad iyo badqabkiisa.

Waxa uu sheegay inay doonayaan in Mukhtaar Robow uu helo caddaalad maadaama uu xiran yahay muddo dheer.

Mukhtaar Roobow ayaa ku jiray xarig tan iyo bishii December ee sanadkii 2018-ka markaas oo laga hor istaagay inuu u tartamo madaxtinnimada Maamul Goboleedka Koofur Galbeed.

Waraysi uu siiyey VOA-da bishii Oktobar ee sannadkan ayaa Mukhtaar Roobow ku sheegay inuu yahay maxbuus siyaasadeed. Waxa uu sheegay in dawladdu muddadaas aysan u sheegin sababaha loo haysto.

Mukhtaar Roobow oom Al-shabaab u ahaa ku xigeenkooda ayaa horey uga soo goostay ururkan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG