Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble oo 'isku day afgambi' ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo


Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo, waxa uu ugu yeeray 'iskuday af-gambi, si uu xukunka u sii joogo'.

Rooble oo goor dhaweyd muuqaal soo duubay, ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu weerar ciidan ku so qaaday xafiisyada Ra'isul Wasaaraha iyo golaha wasiirada si uu uga horjoogsado waajibaadkooda.

Waxa uu Rooble sheegay in xukuumadda Federaalka ee uu hoggaamiyo ay si buuxda mas’uul uga tahay hoggaaminta iyo hagista hay’addaha dowladda, wuxuuna faray dhammmaan ciidamada iyo taliyayaasha inay si toos ah uga amar qaataan xafiiska Ra'isul Wasaaraha.

Rooble ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aanay ka amar qaadan karin Madaxweyne Farmaajo, oo uu sheegay inuu yahay musharrax la mid ah musharraxiinta kale ee u tartamaya xilka madaxweynaha.

Muranka u dhaxeeya labada hoggaamiye ayaa cirka isku sii shareeray 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu shaqadii ka joojiyey Ra'iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ku eedeeyay inuu soo galay raad musuqmaasuq iyo “ku takrifalid dhul dan guud ah” oo ay leeyiiin ciidamada Soomaaliya.

Khilaafkan cusub ayaa casbi iyo jahawareer badan ka dhaliyay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, dalalka Mareykanka iyo UK ayaa ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda cusub ee u dhexeysa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'isul Wasaare.

XS
SM
MD
LG