Ra’’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble aya jawaab adag ka bixiyay qoraalkii uu xalay madaxweyne Farmaajo soo saaray ee uu ku sheegay inuu Rooble shaqada uga joojiyay.
Rooble ayaa sheegay in warka kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo uu yahay tallaabo hareer marsan dastuurka iyo sharciga dalka, wuxuuna mas’uuliyadda wixii ka dhasha sheegay inuu qaadan doono madaxweyne Farmaajo.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra'isul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble si caadi ah u wato shaqo maalmeedkiisa, isla markaana ay ka go’an tahay in aanu cidna 'ugu heybeysan gudashada waajibaadkiisa.'
Qoraalka xafiiska RW Rooble ayaa lagu yiri “Madaxweyne wakhtigisu dhammaaday wuxuu caadeystay kutumashada dastuurka, shuruucda yo xeerarka waddanka u yaalla, isagoo lumiyay dhammaan awoodaha sharci ee ku xusan qodobka 87aad ee dastuurka”
Muranka u dhaxeeya labada hoggaamiye ayaa cirka isku sii shareeray 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu shaqadii ka joojiyey Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ku eedeeyay inuu soo galay raad musuqmaasuq iyo “ku takrifalid dhul dan guud ah” oo ay leeyiiin ciidamada Soomaaliya.
Khilaafkan cusub ayaa casbi iyo jahawareer badan ka dhaliyay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Maraykanka iyo waddamada daneeya arrimaha Somaaliya ayaa walaac ka muujiyay muranka cusub ee labada hoggaamiya.
Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku sheegtay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda iyo maamul goboileedyadu ay si degdeg ah u dhammeystiraan doorashooyinka, sidoo kalena walaacyada jira ay hab furan oo la aqbali karo wax uga qabtaan.