Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyay ee khilaafka Farmaajo iyo Rooble


Waxaa soo ifbaxaya in maamul goboleedyada Soomaaliya ay durba saameysay khilaafka cusub ee Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble, waxaana Maamullada u muuqanaya kuwo la kala safanaya labada dhinac.

Jubbaland iyo Puntland ayaa oggolaaday inay ka qeybgalaan shir uu ku baaqay Ra'isul Wasaare Rooble, halka Koonfur Galbeed ay iyaduna diiday inay ka qeybgasho shirka Rooble oo berrito la filayo inuu dhaco.

Dhinaca kale Ra'issul Wasaare Rooble ayaa isku bedelay laba ka mid golihiisa wasiirada. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Rooble u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda, halka Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda.

Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Cabdulcasiis Barrow.

Wararkii ugu dambeeyay ee khilaafka Farmaajo iyo Rooble
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:00 0:00


XS
SM
MD
LG