Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirka Amniga oo amray in uusan dalka ka bixi karin taliyihii Rooble ku eedeeyay 'dhul boobka'


Cabdullaahi Maxamed Nuur
Cabdullaahi Maxamed Nuur

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa amray in taliyaha ciidamada badda Soomaaliyaa Sarreeye Guuto Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir aanuu dalka ka bixi karin, sida ku cad qoraal uu goor dhaweyd soo saaray, kaas oo ku socday hay'adda socdaalka iyo booliska garoonka diyaaradaha.

Wasiirka ayaa sida uu hadalka u dhigay, sheeegay, in General Dirir loo heysto 'eedeymo iyo xad-gudubyo waaweyn ee uu ku kacay, sida ku xad-gudubka madaxda qaranka',isla markaana uu qorsheynayo inuu dalka si deg deg ah uga baxo.

Sarreeye Guuto Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa muuqaal Isniintii la siiyey warbaahinta ku sheegay in saraakiil sare oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay doonayaan inay dhistaan dhulka ciidanka badda.

Waxa uu sheegay dhulkii ciidanka loogu talogalay in dan shaqsiyadeed loo qaato si looga dhiso dhul lagu nasto, laguna raaxaysto, sida uu hadalka u dhigay.

XS
SM
MD
LG