Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo: Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday


Madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa ku eedeeyay Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17-kii Sebtember 2020, iyo habraacyadii dhammeystirayay ee soo baxay 1-dii Oktobar 2020;

War qoraal ah oo uu Sabtidi soo saaray madaxweyne Farmajo ayuu ku baaqay, in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo ku sheegay in lagu saxayo jihaynta doorashooyinka kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajoayaa ku tilmaamay shirkan uu iclaamiyay mid uu u qabanayo si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacdo.

Farmaajo ayaa ku baaqay in la dhagaysto talooyinka waxgaradka, siyaasiyiinta, iyo bulshada rayidka ah ee qaba tabashooyinka la xiriira doorashooyinka si loo helo hannaan doorasho oo ku dhammaada jawi nabdoon oo loo siman yahay.

Hadalkaan ayaa imanaya ku dhawaad todobaad kaddib, marki uu Ra’isulwasaare Rooble kulan isugu yeeray madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasoo lagu wado inuu magaalada Muqdisho ka dhaco 27-ka bishan December oo ku beegan Isniinta burrito ah.

XS
SM
MD
LG