Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal mar kale ka qarxay magaalada Boosaaso


Shantii aroorninmo ee saaka ayaa mar kale magaalada Boosaaso waxay ku waabariistay dhawaqa hubka culus oo ay isu adeegsanayaan ciidamadii shalay dagaalka isaga hor yimid, waxaana dagaalkan uu intiisa badan ka dhacay xarunta Ciidamada PSF.

Xarunta PSF waxaa ku sugan Gen. Maxamuud Diyaano oo diiday xil-ka-qaadis uu madaxweynaha Puntland ku sameeyey.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku naf-waayay 10 qof oo isugu jira askartii dagaalantay iyo dad shacab ah, iyadoo 40 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay muujiyeen xogaha ay VOA ka heshay goobaha caafimaadka.

Dad badan ayaa ilaa xalay ka bara kacayay xaafadaha magaalada Boosaaso, kuwaas oo cabsi ka qabay in dagaalku uu sii socdo, saameyna ku yeesho nabadgelyadooda.

Waxaa guud ahaan xirmay goobihii ganacsiga, dekedda iyo duulimaadyadii garoonka diyaaradaha iyo isu socodkii gaadiidka dadweynaha ee magaalada Boosaaso.

Waxaa jira baaqyo ay dirayaan Culimada, Nabadoonada iyo waxgarad kale oo reer Puntland ah, balse ma jirto ilaa hadda wax horumar ah oo laga gaaray in la joojiyo dagaalka ka socda magaaladda Boosaaso.

Sidoo kale Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaallamaya Boosaso in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka isla markaana ay dib ugu soo laabtaan wadahadalka si loo gaaro xal nabadeed.

Wararka ku soo kordha xaaladda Boosaaso halkan ayaad kala socon doontaan.

XS
SM
MD
LG