MUQDISHU —
Abaaraha ka jira Soomaaliya, ayaa saameyn ku reebay dad iyo duunyaba, waxaana hawaan ardeyda jaamacadaha Muqdisho qaarkood, ay billaabeen howlo ay lacago ugu ururinayaan dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Waxay dhallinyaradaasi raashiin iyo biyo gaarsiiyeen qoysas dhibaateysan oo gaarey degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo. C/wahaab Suudi Nageeye, oo ka mdi ah dhallinyaradasi, ayaa deeqda ay gaarsiiyeen qoysaska uga waramay Jamaal Axmed Cismaan oo qadka telefoonka kula xirirey.