Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal culus oo ka dhacay magaalada Boosaaso


Boosaaso
Boosaaso

Dagaal xooggan ayaa ka dhacaya magaalada Boosaaso kaasi oo u dhexeeya ciidamada maamul goboleedka Puntland iyo ciidamada la dagaalanka argagixisada ee PSF, sida ay goobjoogayaal u sheegeen idaacadda VOA.

Dagaalka ayaa ka bilaabmay saaka agagaarka xarunta unugga PSF, waxaana la maqlayey rasaasta culus iyo duqayn.

Dagaalkan ayaa imanaya kadib muran tododbaadyo u dhexeeyay maamulka Puntland iyo taliska PSF kaasi oo ka dhashay markii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu xilkii ka qaaday taliyaha ciidanka PSF Sarreeye Guuto Maxamuud Cusmaan Diyaano 24-kii Noofember. Taliyaha ayaa diiday xil ka qaadistiisa, taasi oo keentay is horfadhi ka bilowda magaalada Boosaaso.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Puntland ayaa soo saaray go’aanno ay doonayaan inay ku xalliyaan khilaafka, iyaga oo ugu baaqay taliyaha inuu aqbalao xil ka qaadistiisa, halka ay ugu baaqeen maamulkana in ilaalo iyo xuquuq mushahar la siiyo ciidanka PSF.

Odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale sheegay in hubka iyo guryaha iyo babauurta ciidanka PSF uu leeyahay taliyaha PSF taaasi oo uu mamaulka Puntland kasoo horjeestay. Maamulka ayaa sheegay in hubka ciidankaas uu yahay hanti qaran.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan maanta ka dhacay Boosaaso.

Xaalladda magaalada ayaa kacsan. Goobjoogayaal ayaa u sheegay idaacadda VOA in xalay ay xiisad bilaabantay saaka isku beddeshay gacan ka hadal.

XS
SM
MD
LG