MUQDISHO —
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Sabtidii aynu ka soo gudubnay xilka ka qaadis ku sameeyey xubno ka tirsan guddiga xallinta khilaafaadka, isagoo sidoo kale magacaabay xubnihii baddeli lahaa.
Rooble ayaa ku eeddeeyey xubnaha uu xilka ka xayuubiyey in ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda, haddaba xubnahan cusub iyo waxa ay ku soo kordhin karaan hannaankii ay ku socotay doorashada, waxaa aragtidooda ka dhiibtay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed.
Warbixinta arrintaasi la xiriirta waxaa Muqdisho ka soo diray Xasan Kaafi Qoyste.