Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Facebook-ga General Odowaa oo 'burcad' dhanka Internet-ka ah la wareegtay


Jeneral Odowaa
Jeneral Odowaa

Sida ay qortay wakaaladda Wararka ee SONNA, bogga rasmiga ee uu Facebook ku leeyahay taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odawa Yusuf Rage ayaa maamulkeeda lala waeegay, kaddib markii 'burcad' dhanka Internet-ka ay jabsatay.

"Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu Dhammaan Bulshada soomaaliyeed la socodsiineynaa in la jabsaday Page-ka uu Baraha Bulshada ku lahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odawa Yusuf Rage" ayaa lagu yiri qoraal lagu soo daabacay bogga wakaaladda warraka ee SONNA.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in taliska bulshada uga digayo inaysan 'kadsoomin farrimaha ay dhici karto inay kaga imaan karaan burcadda jabsatay.'

"Talisku wuxuu hadda Gacanta ku hayaa sidii uu dib ugu soo celinlahaa maamulka bogga gaarka ah ee Taliyaha, insha Allah marka dib loosoo celiyana dib ayaan idinkala soo wadaagi doonaa" ayuu sii raaciyay bayaanka lagu daabacay SONNA.

Cinwaanka General Odowaa ayaa ah cinwaan ay xaqiijisay shirkadda Facebook, kaas oo heysta calaamadda saxda ee buluugga ah.

XS
SM
MD
LG