Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay magaalada Jowhar


Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya qarax ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda gobolkaas.

Qaraxan ayaa la sheegay in lala bewgsaday baabuur uu leeyahay guddoomiyaha gobolka Axmed Mayre Makaraan.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuusan la socon baabuurka xilligaas, khasaarena ilaa xilligan lama soo werin.

Dhinaca kale saddex qof oo ka tirsan askartii hore ee Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu dilay weerar Al-Shabaab ku qaadeen xeradii Hiilweyne.

Weerarkan ayaa wararku sheegeen inuu dhacay Jimcihii. Ilaa hadda taliska ciidanku kama aysan hadlin rasmi ahaan weerarka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG