MUQDISHO —
Ciidamada amniga ee magaalada caasimadda ah ee Muqdishu ayaa sheegay inay ka hortagayaan kooxo burcad ah oo la sheegay inay toddobaadyadii ugu dambeeyey khalkhal geliyeen amniga degmooyin ka tirsan magaalada.
Mid ka mid ah degmooyinka falalka laga soo sheegay ayaa ah degmada Kaaraan.
Jawaabta ay ciidanku bixinayaan waxaa warbixintan kasoo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.