Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Go'aan laga gaaray doorashadii kursiga taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA


Yaasin Farey

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa go'aan ay maanta kasoo saareen khilaaf ka taagnaa doorashadii kursiga ku-simaha agaasimaha ee hay'adda NISA Yaasiin Farey waxay ku sheegay in hannaanka loo maray doorashada kursigaas ay aheyd mid waafaqsan habraaca doorashada.

"Waxan go'aaminay in hannaanka loo maray doorashada kursiga lambar HOP#067 uu yahay mid waafaqsan habraacii loo dejiyay doorashad dadban ee 2020/2021" ayaa lagu yiri qoraal shan bog ahaa oo kasoo baxay guddigan.

Guddiga xallinta khilaafaadka ayaa sheegay inay xaqiijin ku sameeyen odayaasha dhaqanka iyo liiska ergada dooratay kursigan.

Bayaanka guddiga xallinta ayaa u qornaa sidan;

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG