Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maleeshiyada Al-shabaab oo ka baxay magaalada Matabaan


Wararaka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka baxeen magaalada Matabaan oo muddo kooban ay maanta qabsadeen.

Dadka magaalada ayaa u sheegay VOA in maleeshiyada Al-Shabaab ay burburiyeen saldhigga booliiska ee magaalada oo ay ku xireen qaraxyo ka hor intii aysan ka bixin magaalada.

Burburka saldhigga Matabaan.

Al-Shabaab ayaa goor sii horraysay oo maanta ah la wareegeen Matabaan iyadoo aanu wax dagaal ah ka dhicin.

Ciidamo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku abaabulayeen magaalada Guriceel si ay ugu soo dhaqaaqaan dhinaca Matabaan.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta in maleeshiyada Al-Shabaab oo wata dhowr baabuur ay maanta magaalada kasoo galeen dhinaca galbeedka, kadibna ay calankooda ka taageen magaalada.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa shalay qabsaday tuulooyin hoos yimaada Matabaan oo ay ka mid tahay tuulada Bacda oo dhinaca galbeed ka xigta magaalada.

Magaalada Matabaan waxaa horey gacanta ugu hayn jiray maamul ka tirsan Hirshabelle.

Matabaan waxay Beledweyne u jirtaa in ka badan 60KMs.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG