MUQDISHO —
Soomaaliya waxaa dhawaan ka bilowday doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taas oo xubno ka mid ah lagu doortay magaalooyinka Muqdisho, Baydhaba iyo Dhuusamareeb.
Doorashada oo qorshuhu ahaa in ay dhammaato 20-ka bishan ayaa waxaa hareeyay eedo badan oo ku aadan habka ay ku bilaabatay.
Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa qaadacay habka ay doorashadu uga dhacday meelaha qaar. Wariyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixin ku eegaya suurtagalnimada rajada laga qabo in wax laga beddelo habka ay doorashadu ku bilaabatay, si ay dalka uga dhacdo doorasho ay dhinacyadu kuwada qanacsan yihiin.