Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug oo xirtay rag looga shakiyay Al-shabaab


Sida uu xaqijiyay Taliyaha Nabad Sugidda degmada Galkacyo ee dhanka Galmudug Gaashaanle Xasan Axmed Cali, ciidamada NISA ayaa xalay howlgal ay ka fuliyeen Konfurta Galkacyo ku qabtay afar dhallinyaro ah oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliye Xasan ayaa sidoo kale sheegay in howlgalku uu ahaa mid qorshaysan oo looga hortagayo falal amni darrada ah oo Al-Shabaab ay ka gaystaan Gaalkacyo.

Magalada Galkacyo, dhanka Galmudug oo la filayo in lagu qabto doorashada 11 xildhibaan ayaa waxaa ka socda howlgallo lagu xaqijinayo amniga.

Taliyaha NISA ee Galkacyo ayaa VOA u shegay inay hayaan xog ku aaddan in maleeshiyada Al-Shabaab ay qorshaynayaan in magalada Galkacyo ay ka geystaan falal lagu carqaladeynayo nabagalyada magaalada.

XS
SM
MD
LG