MUQDISHO —
Somaliya waxaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ka socday doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federalka, Gaar ahaan maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana soo baxayay cabasho laga muujinayo hanaanka doorashada.
Waxaa ugu dambeeyay Golaha Midowga Murasharixiinta madaxweynaha Soomaaliya oo marar kala duwan sheegay inaysan ku qanacsaneyn sida wax u socdaan.
Wariyaha VOA-da Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan nooga soo dirtay magaalada Muqdisho.