Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Musharraxiinta oo doorashada Golaha Shacabka ku tilmaamay 'boob' kuna baaqay in la hakiyo


Midowga Musharaxiinta
Midowga Musharaxiinta

Golaha Midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo maalmihii la so dhaafay uu shir wadatashi ah uga socday magaalada Muqdisho ayaa bayaan ay soo saareen ku tilmaamay doorashada Golaha Shacabka inay tahay mid 'boob ah' oo aysan qaadan karin.

"Goluhu wuxuu Ra'isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ka dalbaday in la hakiyo doorashooyinka, shirna isugu yeero madaxda Golah Wadatashiga Qaran, Midowga Musharraxiinta, Bulshada Rayidka ah iyo beesha caalamka, si wax looga qabto boobka doorashooyinka socda, loona saxo khaladka" ayaa lagu yiri bayaankan oo intaas sii raaciyay.

"In waxa socda aan lagu tilmaami karin doorasho oo ay tahay boob qaawan, oo dalka u horseedi kara qalelaase siyaasadeed, xasillooni darri iyo nabadgelyo la'aan"

Midowga Musharraxiinta ayaa sidoo kale bayaankan ku sheegay in ay 'luntay kalsoonidii' lagu qabay guddiyada doorshada ee heer Federaal iyo heer maamul Goboleed, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay ka kala amar qaataan madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleeyada.

War-murtiyeed goor dhaweyd ka soo baxay Midowga Musharraxiinta ayaa u qornaa sidan:-

XS
SM
MD
LG