Ra'isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si gooni-gooni ah kulammo fogaan-arag ula yeeshay guddiyada doorashada iyo Golaha Wadatashiga Qaran, kaddib markii Midowga Musharraxiinta ay cabasho ka muujiyeen doorashada Golaha Shacabka.
"Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isagoo madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka" ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibrahim Macallimu.
Waxa uu Macallimu sheegay in kulankan diiradda lagu saaray daah-furnaanta iyo dardargalinta doorashada, islama markaana Rooble madaxda maamul goboleeyada uga mahadceliyay biloowga doorashada, isagoo ugu baaqay maamul goboleeyada harsan in ay bilaabaan doorashada.
Rooble ayaa sidoo kulan fogaan-arag ah la qaatay guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer maamul gobloleed iyo kan xallinta khilaafaadka, wuxuuna 'faray in ay ilaaliyaan hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta dhexdooda ah, si doorashadu u noqoto mid lagu kalsoonaan karo' sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra'isul Wasaaraha.
Midowga Musharraxiinta oo shalay shir la qaatay Ra'isul Wasaare Rooble ayaa cabasho ka muujiyay hannaanka doorashada, iyaga oo sheegay inaysan ku qanacsaneyn sida ay u socoto doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.