Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu eedeeyay dilka laba ciyaaryahan


Zakariye Axmed Gaarane iyo Sharma’arke Cabdul
Zakariye Axmed Gaarane iyo Sharma’arke Cabdul

Askari ka tirsan ciidanka dowlada ee kusugan magaalada Beled-xaawo lagu eedeeyay inuu dilay laba ka tirsan ciyaartooyda magaaladas, kaddib markii uu rasaas ku furay garoon ay ku ciyaarayeen.

Labada wiil ee geeriyooday ayaa ahaa dhalinyaro magalada laga yaqaano oo lagu kala magacabi jirey Zakariye Axmed Gaarane iyo Sharma’arke Cabdul.

Maamulka degmadaasi iyo saraakiisha ciidanka ayaa soo xiray askarigii geystay dilkaas, waxaana socdo wadahadallo looga xaalayo xalinta arinkaas.

Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka telefoonka kula xariirtay Aadan Cumar Barkhadle oo ka mid ah waxgaradka magaaladaas oo ku jiro xal u helidda arrinkaas, waxuuna uga waramay sida dilka uu u dhacay.

Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu eedeeyay dilka laba ciyaaryahan
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:15 0:00


XS
SM
MD
LG