Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddiga doorashada oo hakiyay tartanka kursiga uu ku fadhiyo Jawaari


Guddiga doorashada heer Federaal ayaa hakiyay doorashada kursiga Hop103, kaas oo ah kan uu ku fadhiyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federalka Maxamed Cusmaan Jawaari.

"Haddaba iyadoo ay ka imanayso cabasho habraaca loo maray kursiga tirsigiisu kor ku xusan yahay, iyadoo guddigu (FEIT) saaka ka yeesheen shir ayaa ay isku raaceen in la hakiyo doorashada kursigaas" ayuu ku bayaan uu soo saaray guddoomiyaha guddiga doorashada Maxamed Xasan Cirro oo intaa ku daray "waxaan faraynaa guddoonka iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed in la joojiyo qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay 103 ilaa amar danbe"

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay inaysan doorashada Soomaaliya ahayn mid xalaal ah oo daahfuran, sida uu hadalka u dhigay.



XS
SM
MD
LG