Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirka Amniga Puntlan oo VOA uga warramay Khilaafka Deni iyo Hey'adda PSF


Cabdisamad Maxamed Gallan
Cabdisamad Maxamed Gallan

Wasiirka Amniga Maamul Goboleedka Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa VOA-da uga warramay khilaafka dhinaca amniga ku saleysan ee soo kala dhexgalay madaxtooyada iyo Hey'adda Nabad-sugidda ee loo soo gaabiyo PSF.

Madaxwaynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa 24-kii bishan November wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday agaasimiha Hey'adda Ciidamada Amniga Puntland ee loo soo gaabiyo PSF) Genaraal Maxamuud Cismaan Diyaano, sidoo kalena booskaasi u magacaabay sarreeye-guuto Maxamed Aamiin Cabdulahi Xaji Khayr.

General Maxmuud Cismaan ayaase xil-ka-qaadista lagu sameeyay ku tilmaamay mid baalmarsan sharciga, arrintaas oo dhalisay xiisad dhanka amniga ah, gaar ahaan magaalada Boosaas.

Haddaba, wariyaha VOA-da Faduma Yasin Jamac ayaa arrimahaasi ka wareysatay Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan. Cabdisamad ayaa ku billlaabaya ujeedada shir jaraa'id oo ay maanta qabteen.

Halkaan ka dhageyso wareysiga wasiirka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:38 0:00


XS
SM
MD
LG