Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beesha Caalamka oo ku baaqday doorasho daah-furan oo xalaal ah


Warsaxaafadeedka Beesha Caalamka
Warsaxaafadeedka Beesha Caalamka

War saxaafadeed ay maanta si wada jir ah u soo saareen dalalka saaxibadda Soomaaliya ayay ku baaqeen in doorashada Golaha Shacabka ay noqoto mid loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in doorashadu ay noqoto mid ay aqbali karaan dhammaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed iyadoo la tix-raacayo jadwalka daabacan ee doorashada.

War saxaafadeedka Beesha Caalamka ayaa lagu yiri: “Waxaan ku baaqaynaa in daah-furnaan buuxda loo sameeyo dhammaan geeddi-socodyada la xiriira, oo ay ku jiraan magacaabista guddiga soo xulista, xulasta ergada, diiwaangelinta musharraxiinta, kuraas u xirirsta haweenka musharraxiinta ah, si loogu hoggaansamo qoondada boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyey, iyo maareynta lacagaha musharraxiinta. Waxa aanu sidoo kale ugu baaqaynaa guddiyada doorashada inay fududeeyaan korjoogeynta dhammaan hawlaha goobaha cod bixinta”.

​Beesha Caalamka waxay kaloo ku baaqday in la tix geliyo xaqa ay musharixiinta u leeyihiin in ay isu soo taagaan doorashada iyadoo la marayo jawi ku dhisan tartan dhab ah oo xalaal ah.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa ergooyinka iyo musharrixiinta doonaya inay soo gudbiyaan cabashooyinka doorashada inay sidaas ku sameeyaan iyagoo u maraya hababka sharciga ah ee loo sameeyay ujeedkan”. Ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkaan kasoo baxay Bulshada Caalamka ee sida dhaw ula socoto xaaladda Soomaaliya, ayaa yimid kaddib marki ay soo baxeen cabashooyin dhowr ah oo ku saabsan hannaanka doorashada, gaar ahaan habka xulista ergooyinka iyo musharraxiinta doorashada Aqalka Hoose.

XS
SM
MD
LG