Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Guddoomiyaha guddiga doorashada oo ka hadlay muran hareeyay doorashada


Guddoomiye Cirro
Guddoomiye Cirro

Waxaa soo baxaaya cabashooyin, shaki iyo tuhun ku aadan hanaanka doorashada Soomaaliya, ayada oo ay socoto doorashada golaha shacabka.
Inkastoo ay xili hore tahay, marka la eego heerka doorashadu mareyso haddana waxaa jira eedo ah in beelaha iyo musharaxiinta tartamaysa ay tuhmayaan in doorashada kuraastooda loo maamulo si aan sharciga waafaqsanayn.

Haddaba guddoomiyaha guddiga doorashada heer qaran Maxamed Xasan Maxamed Cirro ayey Falastiin Axmed Iiman ka wareysatey sida loo ilaalinayo xalaalnimada doorashada iyo xuquuqda musharixiinta.

Ugu horeyna waxa ay weydiisey bal inuu sharraxaad ka bixiyo sida loo soo xulayo ergooyinka wax dooranaya iyo halka ay ka imanaya xubnahaas.

Wareysi: Guddoomiyaha guddiga doorashada oo ka hadlay muran hareeyay doorashada
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:50 0:00


XS
SM
MD
LG